DAMACA Xasan ee wax ka bedelka Dastuurka & Doorka mucaaradka

DAMACA Xasan ee wax ka bedelka Dastuurka & Doorka mucaaradka

Muqdisho ( Raxanreeb ) MD Xasan Sheekh ayaa olole ugu jira sidii wax loogu bedeli lahaa Dastuurka KMG ah ee dalka taas oo uu kal kulmayo dhaleecayn isla markaana lagu tilmaamay siyaasad qar iska tuurnima ah.

Qorshaha Xasan Sheekh ee Dastuurka iyo awooda in loo raro Madaxwaynaha meeshana laga saaro awooda Ra’iisalwasaaraha waxa loo arkaa mid u baahan la tashiyo dheeraad ah isla markaana ahayn mid qof keligii go’ aan ka gaari kar taasna ay damac dib u soo laabasho.

Isha waxa lagu hayaa , fadhiga 4aad ee Golaha shacabka taas oo la leeyahay waxa ugu badan ee la horkeenayo ayay qayb ka tahay Dastuurka KMG oo buuq badan uu ka taagan  yahay wixii ka danbeeyay markii uu soo baxay qorshahaas.

Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad shalay u diiday inay qayb ka noqoto in wax laga bedelo Dastuurka taas ay ku tilmaantay damac shaqsi gaar ah.

Siyaasiin badan oo arinkan ka hadlay waxay sheegeen in ay ka digayaan in la qaado talaabo kasta oo wax looga bedelayo Dastuurka ilaa la helo afti dadwayne iyo nidaam isla ogol ah oo lagu rarayo dalka iyadoo laga guurayo nidaamka.

Hadalka Puntland oo ah awood jirta xilligan waxaa loo arkaa mid kale oo dhabar wareeminaya damaca jira , maadama MD Xasan uu raadiyo isbahaysi maamul goboleedyada waxaana halkaas ka baxay fakar badan oo Villa Soomaaliya ay qabtay.

Madaxwaynaha koonfur  Galbeed waa halka hadda l ogyahay inuu la safan yahay Xasan Sheekh oo uu kala shaqayn doono Ololaha Dastuurka ee wax ka bedel , walise lama hayo Galmudug , Hirshabeelle &  Jubbaland .


Damaca muuqda oo aan wali helin isbahaysi ayuu u muuqdaa qorshaha Villa Somalia , waxana la ogayn halka uu ku dabeyn doono buuqa ka dhashay talaabada Xasan Sheekh oo bilowgiiba qaaday wadada wax ka bedelka dhismaha dowladnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.