Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Tanzania (Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Tanzania, ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Dhuxulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.

Heshiiskan waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.