Istanbul (Raxanreeb) — Dowladda Soomaaliya iyo dalka Turkiga ayaa maanta heshiis cusub oo muhiim u ah, dalka ku gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Heshiiskan ayaa ah, dhanka difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) wasiirka gaashaandhigga ayaa Soomaaliya u saxiixag kaas oo ku sugan Istanbul Turkiga.
“Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri bayaanka.
Heshiiskan ujeedadiisa ayaa ah, mid aare looga qaadayo, iskaashiga labada dal, kaas oo lagu yiri bayaanka.
Dowladda Turkiga ayaa ah, dalka ugu taageerada badan Soomaaliya, isagoona ka qeyb qaata dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kalena heshiiskan ayaa Soomaaliya, muhiim u ah, iyadoo kooxda Al-Shabaab, Dowladda Soomaaliya, kula jirto dagaal adag kaas oo toos u billowday sannadkii hore ee 2022 dhammaadkiisa.
Soomaaliya ayaa taageero caalami ah, u raadineysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay guulo waa weyn uga soo hooyiyaan halganka adag ee ay ugu jiraan xoreynta dalka oo dhan looga sifeynayo Al-Shabaab.
Leave a Reply