Soomaaliya & Jabuuti miyay burburinayaan Somaliland ?.

Soomaaliya & Jabuuti miyay burburinayaan Somaliland ?.

Hargaysa (Raxanreeb )- Somalinad & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u dhaxeeya wali xurguf xoogaan oo ka dhalatay heshiiskii Somaliland ay la gashay Itoobiya.

Siyaasiinta magaalada Hargaysa ku sugan ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay burburiso Somaliland iyada oo la kaashanaysa Jubuuti.

Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa eedayn kulul u jeedayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay Faysal in loo tashaday Somaliland, isla markaana uu socdo qorshe culus oo lagu burburinayo maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Jabuuti ayuu sheegay Faysal Cali Waraabe inay qayb ka tahay qorshaha lagu burburinayo Somaliland iyadoo la mataan ah dowladda Xasan Sheekh Maxamuud sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha socda uu lamid yahay midkii 1988, isla markaana la xalaashaday dhiigooda, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba Somaliland & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khilaafkooda waxa uu gaaray meeshii ugu xumayd inta la xusuusto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.