SOOYAAL : 64 sano ka dib xoriyadda:  Sidee ayay  ku timid 1-da Luulyo.

SOOYAAL : 64 sano ka dib xoriyadda:  Sidee ayay  ku timid 1-da Luulyo.

Muqdisho (Raxanreeb )- Bishan Juun waa xilliga xuriyadda waxaana Soomaali badan laga dareemaa u diyaargarowga xuska 26-ka Juun iyo kowda luuliyo.

Waxaan idiin soo gudbin doonnaa warbixinno la xiriira xuriyadda oo 64 sano laga joogo. Waxay ahayd 1960-kii.

Maanta waa 1da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 56 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda  xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii

Hadaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta.

Halgankii Sayidka:

Sayid Maxamed  Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu  ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland,  Nugaal iyo Taleex.

Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid  ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe.

Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle.

SYL:

Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle  iyo Maxamed Cusmaan Baarbe .

Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland

Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad.

April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.

Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen.

Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin.

25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.