SOOYAAL | Paul Kagame oo markale loo doortay madaxwaynaha Rwanda.

SOOYAAL | Paul Kagame oo markale loo doortay madaxwaynaha Rwanda.

Kigali (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Ruwanda Paul Kagame ayaa markii afraad noqday Madaxweynaha dalka Rwanda, isaga oo heley codad ka badan 99%, iyada oo aysan xataa 1% helin musharrixiintii la tartamay.

Madaxwaynaha Rwanda ee markale la dootay ee Kagame wuxuu xilka hayaa  mudd ku siman 24 sanno .

Kagame, oo hogaaminayay jabhadda Jabhadda Patriotic Front ee Rwanda si ay uga adkaato xoogagga Xuuthiyiinta ee xagjirka ah, soona af-jartay xasuuqii, ayaa waxaa madaxweyne u doortay baarlamaanka sannadkii 2000.

Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame, taasoo sii dheereyneysa xukunkiia 30 gu’jirsaday.

Waxa uu ku guuleystay in ka badan 90% codadka saddexdii doorasho ee hore tan iyo markaas – 2003, 2010 iyo 2017.

Leave a Reply

Your email address will not be published.