Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya oo sheegay in dowladda Itoobiya ay leedahay hal cadow.

Jigjiga (Raxanreeb online) – Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya, General Birhanu Jula ayaa Masar ugu yeeray cadowga ugu wayn ee Itoobiya leedahay.

Sidoo kale, Birhanu Jula wuxuu xusey in Masaaridu yihiin cadow taariikhi ah oo marwalba ka shaqeeya sidii ay Itoobiya u wiiqi lahaayeen.

Dhanka kale, General Jula waxa ku andacoodey in Masar ay doonayso inay ka huriso colaad gudaha Itoobiya, balse Itoobiya ay weli tahay mid xooggan oo awood u leh in ay ka hortagto khatar kasta oo ku soo wajahan.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ay hadda u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar kasta oo dhici kara.

Wuxuu sheegay in xaaladda Itoobiya ay sii ahaan doonto mid gacanta lagu hayo isagoo Masar uga digay iney ka waantowdo qalalaasaha ay ka abuureyso geeska Afrika.

Sikastaba, hadalka taliyaha ayaa ku soo aaday xili la filayo iney Masar ay kumanaan askari u soo dirto Somalia kuwaasoo qeyb ka noqonaya howlgalka cusub ee Midiwga Afrika AUSSOM, waxayna arrintaas walaac ku abuurrtay Itoobiya oo Masar uu kala dhexeeyo khilaaf la xiriira biyaha webiga Nile.

Leave a Reply

Your email address will not be published.