Shabellaha Dhexe (Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa tegay Deegaanno dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ee Gobalka Shabeellada Dhaxe.
Taliyaha oo ey wehlinayaan Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn kulamo la qaatay Maamulka degmada Balcad oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha degmadaas, Qaasim Cali Nuur iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaannada ku teedsan jiinka Wabiga ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay sida naf hurnimada leh ee ay geesiyaasha Ciidanaka Xoogga Dalka ay u dhabar jebinayaan kooxda Al-shabaab, waxaana uu faray Saraakiisha inay sii laba jibaaraan waajibaadka ka saran difaaca Qaranka.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada howlgallo saf ballaaran ah oo lagu dagaalamayo kooxda Al-shabaab oo lidi ku ah nolosha iyo mustaqbalka umadda Soomaaliyeed , iyagoo sameeyay howlgallo guuleystay oo sababay amni iyo xasillooni.

Leave a Reply