Tirada dhimashada qaraxa ka dhacay Muqdisho oo kordhay.

Tirada dhimashada qaraxa ka dhacay Muqdisho oo kordhay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar kals duwan  ayaa ka soo baxaya qarax khasaare u gaystay dad rayid ah oo ka dhacay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Waxa  uu haleeyay qaraxan sida wararka ay sheegayaan  mooto Bajaaj iyo gaari  kuwo dadwaynaha oo marayay isgoyska SOS degmad Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

In  la xaqiijiyay 7 qof ayaa ku geeriyootay oo shacab  ahaa  tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa mid la dhigay dhul dhinaceeda sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay gaari iyo mooto dad shacab ah la socdeen, xilli ay marayeen isgooska SOS ee degmada Hiliwaa.

Booliiska ayaana xaqiijiyay in qaraxa ku dhinteen shan qof oo shacab ah , waxa ayna intaa ku dareen in qaraxa ay ku dhaawacmeen dad ka badan toban qof, kuwaa oo qaarkood soo gaareen dhaawacyo culus.

Qaraxa miino ayaana dad goobta ka agdhawaa sheegeen in lala damacsanaa ciidamo dowladda katirsan oo aagaasi ka agdhawaa, balse uu haleelay gaadiidka iyo mootada ay dadka shacabka ah la socdeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.