Afmadow (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya degmada Xagar ee goboolka jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaankaas muddo 10 sano ah kaddib.
Haddaba qaabka Shabaab looga xoreeyay Xagar iyo xaaladda deegaankaas ayaan weydiinay guddoomiye Ku xigeenka Afmadoow.
Xagar ayaa illaa 80 KM u jirta magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo muujineyso in ciidamada huwanta ay kusii dhowaanayaan dhulka Al-Shabaab.
Ciidamada huwanta ee qabtay magaaladan ayaa ka baxay degmada Afmadow oo haatan laga hagayo howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u galeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen ku dhawaad 10 Shabaab ah.
Sarakaal u hadlay ciidamada iskaashanaya ayaa u sheegay warbaahinta qaranka iney gacanta kusoo dhigeen 6 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo gaari Homey ah oo ay wateen xubnaha la qabtay.
Qabashada deegeenkaan ayaa kusoo beegmeysaya, iyadoo saacado ka hor howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay nawaaxiga degmada Afmadoow.
Leave a Reply