Washington (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo wariyaasha kula hadlay sabtidii isagoo saaran diyaarada Air Force One, ayaa sheegay inuusan doonayn in Kurdiyiintu weerar ku qaadaan Iran,
“Ma doonayno in Kurdiyiintu ku lug yeeshaan dagaalkan. Waxaan la leenahay xiriir aad u saaxiibtinimo leh Kurdiyiinta, sidaad ogtihiin, balse ma doonayno in dagaalkan uu noqdo mid ka sii adag sida uu hadda yahay” ayuu yiri Trump.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa Khamiistii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu si buuxda u taageeri doono haddii dagaalyahannada Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda Iran ay weerar qaadaan, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Isreal oo dhinaca ah ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Maalintii ka sii horreysay afhayeenka Aqalka Cad, Caroline Leavitt, ayaa beenisay warar ay daabaceen warbaahinno badan oo Maraykan ah oo sheegayay in Maraykanku qorsheynayo inuu hub siiyo kooxaha Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda Iran.
Waxay sidoo kale xaqiijisay in Madaxweyne Donald Trump uu la hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta arrin la xiriirta saldhig uu Maraykanku ku leeyahay waqooyiga Ciraaq.

Leave a Reply