Uga yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay  Xamarweyne.

Uga yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay  Xamarweyne.

Muqdisho (Raxanreeb ) Degmada Xamar weyne, Maanta 16 Jan 2024, abaaro 11:40Am, yaa qof naftii haligaa isku qarxiyay banaanka hore ee  makhaayada Alhindi. Qasaaraha ka dhashay, ayaa ah Dhimasho 3 iyo Dhaawaca 2 qofood oo goobta ka dhawaa.

Ciidanka Boliiska oo goobta ka dhawaa ayaa eryanayay Hafti-haliga, wuxuuna qarxay isaga oo ciidanka ka cararaya.

Hada, Ciidamada amaanka ayaa goobta ku sugan waxaan socota baarista, si aan wax faahfaahsan dadka ula wadaagno.

Qaraxan waxa uu ka dhacay maanta meel aad ugu dhaw xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaas oo amaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Si kasta Dowladda ayaa maalmahan waxa ay waday howlgalo ay ku doonayso in ay ku sugto amniga caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.