Ugu yaraan 8 qof oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay Japan

Ugu yaraan 8 qof oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay Japan

Tokyo (Raxanreeb) — Saacadihii la soo dhaafay, dhulgariir xooggan oo ka dhacay bartamaha dalka Japan.

Dhulgariirkan ayaa lagu qiyaasaa 60% kaas oo dhacay laga soo billaabo 16:00 wakhtiga maxaliga ah (07:00GMT), markii dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 uu ku dhuftay gobolka.

Dhulgariirrada ka dambeeyay ayaa ku kala duwanaa cabbirkooda, waxayna u dhexeeyeen 3 ilaa 6.1 magnitude.

Kii ugu dambeeyay, oo dhacay 23:02 wakhtiga maxaliga ah ayaa markii hore la sheegay inuu ku socday miisaan la mid ah dhulgariirkii hore ee saaka ka dhacay Noto, laakiin hadda waxa loo diiwaangeliyay cabirkiisa 4.6.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa ka digtay suurtagalnimada dhulgariirro halis ah toddobaadka soo socda, gaar ahaan labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda.

In kasta oo “digniinta Tsunami-ga weyn” hadda laga dhigay “digniinta Tsunami”, haddana dadka deegaanka waxaa lagula talinayaa in ay ka barakacaan maadaama tsunami wali la filayo.

Bbc