FALCELIN : Heshiiskii Muuse Biixi  & Abiy oo si carro leh looga hadlay.

FALCELIN : Heshiiskii Muuse Biixi  & Abiy oo si carro leh looga hadlay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Markii uu soo baxay heshiiska dhanka badda ah ee ay wada saxiixdeen Madaxwaynaha Somalilnad Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisulwaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxaa soo baxay falcelin xoogan.

Madax hore iyo siyaasiin ayaa isku midaysan uga falceliyay  heshiiskaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid dhaawacaya madax banaanida  Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  ka hadlay heshiiskan ayaa yiri.

‘’Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah’’

Sidoo kale waxaa isaga waxaa  hadal caro leh ka muujiyay , heshiis Itoobiya iyo Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynihii Dowladii KMG ahay Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in talabadaas  ay tahay mid la aqbali karin ayna haboon tahay in deg deg ah jawaab looga  bixiyo.

“Heshiiska sharci darrada ah ee maanta ay wada gaareen RW Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna wuxuuna ka hor imaanayaa qawaaniinta Adduunka ‘’ ayuu  yiri Shariif Sheekh Ahmed.

Waxaa heshiiskan  ka carooday siyaasiin badan iyo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo muujiyay dareenkooda ku aadan in heshiiskan uu  yahay damac  guracan oo ay  doonayso  Itoobiya.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa dhawr jeer fagaarayaasha ka sheegay in Itoobiya uu u heli doono  Badda , maadama  dalkaas uusan lahayn wax bada ah waxaana heshiiskan lagu sifeeyay ka dhabaynta hadalka Abiy Ahmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.