Kabul (Raxanreeb) — Ururada aan dowliga ahayn ee Sweden ee ku sugan dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in ay hakiyeen qaar ka mid ah howlahoodii kadib amar kasoo baxay Taliban oo lagu hakiyay dhaqdhaqaaqyada Sweden ee dalkaasi.
Guddiga Sweden u qaabilsan Afgaanistaan ayaan faah faahin ka bixin inta ay le’eg tahay shaqadoodii hakadka la geliyay balse waxa ay sheegeen in ay raadinayaan ogolaansho si ay dib ugu bilaabaan howlahooda sida ugu dhaqsiyaha badan.
Maamulka Daalibaan ayaa todobaadkii hore sheegay in dhammaan dhaqdhaqaaqyada Sweden ay ka wadaan Afgaanistaan ay tahay in ay joojiyaan si ay uga jawaabaan gubista kitaabka Quraanka Kariimka ah ee Stockholm bishii hore.