Shabaab oo Muqdisho ku dilay masuul  ka tirsan degmada Awdheegle  Sh. Hoose

Shabaab oo Muqdisho ku dilay masuul  ka tirsan degmada Awdheegle  Sh. Hoose

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho kooxda Al- Shabaab ayaa beegsiga masuuliyiinta ka bilaabay waxayna magaalada ay ku toogteen dhawr qof.

Maanta oo Arbaca ah waxa ay magaalada Muqdisho ku toogteen guddoomiye ku xigeenka maamulka Awdheegle ee gobolka ee gobolka Shabeellaha hoose.

Masuulkan lagu toogtay Muqdisho ayaa lagu magacaabi jiray AUN Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow , isaga oo magaalada u joogay arrimo shaqo.

Dilka ka  dib waxa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas oo howlgal halkaas ka fuliyay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Waxaa uu  dhacay dilkan masuulkan agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada.

Si kastaba dhibaatooyinkan amni darri ayaa dhacaya xilli ay dhankooda Muqdisho howlgallo ka wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.