Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saakay aroortii hore ka dhacay gudaha caasimadda Muqdisho, gaar ahaan degmada Shibis.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay isgoyska Beexaani ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa ahaa Surf, kaas oo gebi ahaan goobta ku basbeelay, sida ay sheegeen ilo wareedyo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga reebo burburka gaariga lagu soo xiray oo uu lahaa wiil magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay uu baabuurka ka maqnaa ninka iska leh, isla-markaana uu ku jiray goob jirdhis GYM ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo isku keedaamay goobta, kadibna sameeyay baaritaano kooban, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka kasoo saareen qaraxaas.

Xaaladda ayaa hadda ah mid daggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada, maadaama uu qaraxu dhacay xilli aroor ah oo dadku ay jarmaadayeen.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darre ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayay caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo.

Falkii igu dambeeyay oo is-miidaamin ahaa ayaa waxaa lagu beegsaday Kulliyadda Jaalle Siyaad, kaa soo lagu laayay askar badan, waxaana ka dhashay tuhun xoogan.

Si kastaba, dhacdooyinka ayaa kusoo aadayo, xilli ay dhankooda dadaallo xoogan wadanaa hay’adaha ammaanka oo iyaguna howlgallo culus ka sameeya magaalada Muqdisho.