XOG -Isku dayay la doonayay in lagu baajiyo kulanka BFS oo fashil ku yimid

XOG -Isku dayay la doonayay in lagu baajiyo kulanka BFS oo fashil ku yimid

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar aan helnay ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya tan iyo xalay ay waday isku dayo ujeedkooda uu ahaa in aan fadhiisan Barlamaanka Soomaaliya.

Barlamaanka labadiisa aqal oo kulan wadajir ah   yeelanaya maanta oo Isniin ah ayaa tan iyo xalay waxa socday qorshe Villa Soomaaliya ay riixaysay si loo baajiyo kulanka wadajirka ah.

Ujeedka ugu wayn ee laga lahaa ayaa ahaa sidii Barlaaamanka uusan uga hadli lahayn qaraxii askarta badan ay ku dhinteen ee dhawaan ka dhacay Kuliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho oo la daboolayo wali.

Waxaa soconaya isku dayo badan oo looga gol leeyahay sidii gabi ahaanba loo tirtiri lahaa raadad kasta oo ku saabsan xogta qaraxaas oo cambaarayn badan Dowladda Hassan Sheekh Maxamuud ay kala kulantay.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur  oo hortagay Barlamaanka dhawaan tagay  ayaa lagu qasbay  inuu ka hadlo dhacdadii askarta badan ay ku dhinteen ee Gaashaandhiga.

Wasiirka ayaa markii hore isku dayay inuu diido ka hadalka dhacdadaas  taas oo markii dambe keentay in buuq badan uu ka dhasho fadhiga Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Dowladda  ayaa doonaysa in ay ka qariso indhaha shacabka dhacdadaas iyo cida ay tahay in lagu tuhmayo , taas oo keentay isku day kasta oo lagu dabooli karo dhacdadaas oo noqotay mid radaad ku reebay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.