Warbaahinta dowladda nin ay ku sheegtay in uu ahaa horjooge katirsan Alshabaab oo lasii daayay.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Shalay waxaa xuriyadiisa dib u helay Cali Cabdulle Sheekh Cali (Cali Geelle), oo dhawaan maleeshiyaad macawiisley ah oo kasoo jeeda degmada Ceeldheer kasoo afduubteen deegaan hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, ninkan xuriyadiisa shalay dib uhelay ayaa la sheegay in uu ahaa nin beeraley ah, waxaana afduubkiisa ka dambeeyay nin ay dhul isku heesteen oo kasoo jeeday degmada Ceeldheer, kaas oo maleeshiyaad ay xigto ahaayeen u shirqoolay ninkan si ay u afduubtaan uguna eedeeyaan in uu ahaa Al-shabaab.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda gaar ahaan Tv-ga Qaranka ayaa lagu baahiyay in ciidamada macawiisleyda ah ay gacanta kusoo dhigeen horjooge katirsanaa kooxda Al-shabaab, waxa ayna Tv-ga sheegeen in ninkan Al-shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah.

Warkan lagu daabacay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaana si weyn uga careesiiyay ehelada ninka afduubka loo geestay, waxa ayna dad badan shaki galiyeen sida warbaahinta dowladda u shaqeesto, iyadoona dad badan ka aamineen warbaahinta dowladda mid dano gaar ah ka shaqeeysa.

Cali Geelle oo laga soo daayay xabsiga Godka Jilicow oo uu dhoor maalin ku xirnaa ayaa xalay si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Gubta ee katirsan Dayniile, waxa uuna ninkan u mahadceliyay cid kasta oo ka dhiidhisay dulmigii iyo afduubkii loo geestay.

Afduubka Cali Geellle ayaana dhalisay xiisad ka dhax dhalatay beesha uu kasoo jeedo iyo beesha degta degmada Ceeldheer, kuwaa oo siyaabo kala duwan rag isaga afduubtay, hasa ahaatee dedaalo ay sameeyeen waxgarad iyo siyaasiyiin ayaana xal looga gaaray xiisadii labada dhinac u dhaxeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.