WARBIXIN : Dayaca amniga caasimadda & Dooda ay qabaan xildhibaanada BJF.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la daala- dhacaysa amaanka caasimada , taas oo xitaa xildhibaanada Barlamaanka ku riixday in mooshin ay ka keenaan.

Xildhibaanada qaar oo maanta Sabti ah ka hadlay xarunta Golaha shacabka isla markaana mooshin ka keenay amniga caasimadda ayaa dalbaday in Hoggaanka Hay’ daha amniga la hor keeno Golaha shacabka si loogula xisaabtamo dayaca amniga caasimadda.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa qaarkood waxa ay sheegeen in ay u baqayaan amnigooda ka dib markii askarta Dowladda kala kulmeen xaalad qatar galin karto amnigooda , xitaa meelaha qaar laga qaato ID- gooda.

“Amni ayaa la sugaa in layiraahdo xasaanadii Xildhibaanada meel loogu dhaco wax la dhayalsan karo ma ahan” sidaas waxa sheegay Gudoomiye Aadan Madoobe.

Hadalkan ayaa u dhigan jiritaanka walaaca amniga ee ay qabaan xiligan xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka kuwaas oo marida waddooyinka qaar ay ku adkaatay maalmihii la soo dhaafay sidaas oo ay tahayna meel kaabiga ku haysa Madaxtooyada Al- Shabaab ay soo weerareen.

Xarunta Golaha shacabka oo maanta uu ka dhacay kulan afka ay furteen mudanayaasha  Barlamaanka ,  ayaa waxaa ka muuqday walwalka laga qabi karo heerka uu gaarsiisan yahay amaanka caasimadda .

” Anigoo Xildhibaan ah inta ID-Kaarkeygii  la iga qaatay ayaa la sawirtay waxa lagu sameynayo ma aqaano, waa in Baarlamaanka la horkeeno mahad salaad iyo Odawaa”. sidaas waxaa isagana xarunta golaha shacabka ka yiri xildhibaan Murjaan.

Si kastaba magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka dhacayay qaraxyo iyo dilal , taasna waxa ay keentay in shaki la galiyo hufnaanto shaqo ee Hay’ adaha amaanka oo hada waxa ay Al- Shabaab awood u yeesheen in gudaha u galaan dhismo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.