Diyaarado dagaal oo ka degay Cadale Sh.Dhexe & Ujeedka halkaas u gaareen.

Jowhar ( Raxanreeb ) Laba diyaarad oo kuwa Dagaalka ah ayaa ku degay Duleedka Degmada cadale ee Sh/dhaxe.

Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in ujeedkooda uu yahay ka qayb galka dagaalka Dowladda Federaalka ay kula jirto kooxda Al- Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo aan arintan kala xiriirnay ayaa ka kaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan diyaaradahan dagaalka .

Degmada Cadalle waxa ay ka mid tahay deegaanada gacanta ugu jirta Dowladda Soomaaliya halkaas oo sidoo kale ubuc u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Lama shaacin in diyaaradahan dagaalka ah ay leedahay Dowladda Federaalka ama saxiibada kale ee dagaalka ka gacan siiya Dowladda Soomaaliyam

Waxaa ay ku soo aadeen diyaaradahan galabta ka degay Cadaale xili uu jiro Guluf Ciidan oo u dhaxeeya DFS iyo dadka Deegaanka oo is garabsanaya iyo Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.