Haddii xubnaha mucaaradka ku ah Laftagareen ay dagi  lahaayeen Baydhabo maxaa ka  dhici lahaa magaalada ?

Baydhabo ( Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee – gobolka Baay , waxaa ka taagan muran la xiriira  in la qabto doorashada maamulka koonfur galbeed oo waqtiga laftagareen ay ka harsan tahay maalmo kooban.

Arintan waxa ay salka ku haysaa hubanti la’ aanta laga qabo xilligan  in doorashada koonfur Galbeed waqtigii loogu tala- galay ay dhaafto marka laga tusaale qaato sida ay wax u socdaan oo ah mid aan sadaal wanaagsanayn.

Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan – yihiin xubnaha mucaaradka ku ah Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamaanayo ee maalmaha uun u  dhiman waxa ay ku hanjabayaan in aan la aqbali doonin in muddo kordhin uu sameysto Cabdicasiid Laftagareen oo sadaasha ay muuqatana ay sheegayso inuu muddo kordhin uu samaysto.

Baydhabo oo hadda u ah maamulka Koonfur galbeed caasimadda KMG ah waa halka suurtagal aysan ka ahayn in ay tagaan siyaasiinta mucaaraadka  ah marka loo eego siyaasiin la xiran iyo kuwa loo diiday in ay tagaanba  garoonka  magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waa halka ay ka dhici lahayd Baydhabo Ololaha doorashada iyo in siyaasiinta ay ku qabsadaan kulamadooda si ay u iibiyaan qorshahooda maamulidda koonfur Galbeed , laakiin taas ma ah mid ka socon karto dhanka Madaxwayne Laftagareen.

In magaalada Baydhabo ay tagi waayaan siyaasiinta ka soo horjeeda Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen ayaa loo sababaynayaa laba arin oo is biirsatay oo keentay culayska ka haysta xubnaha mucaaradka magaalada Baydhabo .

Tan Kowaad  waa in markii doorashada uu ku soo baxay si kasta haku yimaadee Cabdicasiis Laftagareen in dhammaan siyaasiinta mugta lahayd ay ka soo guureen magaalada Baydhabo halkii ay ahayd in dhinac ka degaan magaalada oo markii ay doonaan ay ku laaban karaan ama ka soo degi karaan .

Tan Labaad  waa xubnaha mucaaradka ku ah Madaxwaynaha koonfur Galbeed oo hadda uun ku soo baraarugay in ay fiicnaan lahayd in laga sii shaqeeyo in caasimadda koonfurgalbeed si rasmi ah u loogu shaqeeyo doorashadana  lagu qabto magaalada Baraawe taas oo haddii laga sii shaqayn lahaa oo cadaadis lagu saari lahaa laftagareen mar hore ,  keeni kartay inuu yaraado culayska ay wajahayaan siyaasiinta xil- doonka ah.

Hadaba haddii siyaasiinta mugta leh iyaga iyo ilaalada ay joogi lahayeen oo saldhigna u  ahaan lahayd magaalada Baydhabo oo caasimad KMG ah , falanqeyayaasha waxa ay leeyihiin suurtagal ma ahaan lahayn in la hor istaago siyaasiinta laakiin halka dabashu ay ka soo gashay xilligan ayaa ah in markii doorashadu ay dhacdayba isaga soo baxeen dhamaantooda magaalada Baydhabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.