WARBIXIN :Macwiislay Muqdisho maka howgali karaan?

Muqdisho (Raxanreeb ) Howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab  ee ka socda deegaanno badan oo dalka ah waxaa kaalin muuqata ku leh maleeshiyaadka la baxay Macwiislayda kuwaas oo Al- Shabaab kaga guulaystay meelo badan oo gobolka Hiiraan ka mid ah.

Kooxdan oo aan u dhisnayn haykalka Dowladnimo hadana , waxa ay kaalin ku lahayeeen  kacdoonka ka bilowday gobollada qaar ee dalka si loo jabiyo kooxda Al- Shabaab oo muddo dheer culays ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa soo baxaya markaan in la joogo waqtigii kooxaha Macwiislayda ay ka howlgali lahayeen magaalada Muqdisho oo ubuc u ah xaaladaha cakiran ee dalka ka jira isla markaana ay ka dhacaan falal amni darro oo  ilaa iyo hadda loo – taag la’ yahay sidii wax loogu qaban lahaa.

Hadalka ku saabsan in Macwiislayda ka howlgali karaan Caasimadda waxa uu soo baxay  markii  Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Cali  Yare Cali uu sheegay in Macwiislay loo baahan yahay in  laga aas- aaso gobolka Banaadir si loo xasiliyo.

“Caasimaadda waa in  laga howlgaliyaa  kooxaha Macwiislayda loona  abaabulaa qaab qabiil si loogu guulaysto kooxda Al- Shabaab wax badan ayay  xiligan ay ka qabaan karaan xaaladaha jira  gobolka  Banaadir ‘’ sidaas ayuu sheegay Cali Yare Cali.

Laakiin hadalkan ayaa loo  fasirayaa siyaabo kala duwan , dad badan waxa ay qabaan aragti ah in hadalkaas magaalada uu ku keeni karo culays   iyo  is hubaynta beelaha Soomaaliyeed  oo marka dambe adkaan doonto – hub ka dhigis in lagu sameeyo.

Kuwa badan ayaa dhankooda waxa ay aaminsan yihiin in baraarugaas uu yahay kan keliya lagu xasilin karo  caasimadda  ka dibna lala imaan karo qorshe lagaga faa’idaysan karo kooxahaas haddii ay ka aas aasmaan magaalada Muqdisho.

Arintan waxaa barbarsocota hadal caro badan ka dhashay oo  oo ka soo yeeray  Senotor Cabdi Ismael Samatar  oo sheegayay  in dalka dib ugu laaban karo burbur la mid ah kii 1999-kii markaas oo ula jeeday kooxaha Macwiislayda ah ee u abaabulan qaabka  qabiil ee howlgalaya deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah.

Si – kasta dad badan ayaa calaamad su’aal dulsaaraya  suurtagalnimada in  waxa ka dhalan kara  mustaqbalka haddii magaalada Muqdisho ay ka aas-aasmaan kooxaha Macwiislayda oo la mid ah kuwa hadda ka howlgala gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale ee la derisla ah.

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.