Muqdisho (Raxanreeb ) Howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda deegaanno badan oo dalka ah waxaa kaalin muuqata ku leh maleeshiyaadka la baxay Macwiislayda kuwaas oo Al- Shabaab kaga guulaystay meelo badan oo gobolka Hiiraan ka mid ah.
Kooxdan oo aan u dhisnayn haykalka Dowladnimo hadana , waxa ay kaalin ku lahayeeen kacdoonka ka bilowday gobollada qaar ee dalka si loo jabiyo kooxda Al- Shabaab oo muddo dheer culays ku hayay shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa soo baxaya markaan in la joogo waqtigii kooxaha Macwiislayda ay ka howlgali lahayeen magaalada Muqdisho oo ubuc u ah xaaladaha cakiran ee dalka ka jira isla markaana ay ka dhacaan falal amni darro oo ilaa iyo hadda loo – taag la’ yahay sidii wax loogu qaban lahaa.
Hadalka ku saabsan in Macwiislayda ka howlgali karaan Caasimadda waxa uu soo baxay markii Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Cali Yare Cali uu sheegay in Macwiislay loo baahan yahay in laga aas- aaso gobolka Banaadir si loo xasiliyo.
“Caasimaadda waa in laga howlgaliyaa kooxaha Macwiislayda loona abaabulaa qaab qabiil si loogu guulaysto kooxda Al- Shabaab wax badan ayay xiligan ay ka qabaan karaan xaaladaha jira gobolka Banaadir ‘’ sidaas ayuu sheegay Cali Yare Cali.
Laakiin hadalkan ayaa loo fasirayaa siyaabo kala duwan , dad badan waxa ay qabaan aragti ah in hadalkaas magaalada uu ku keeni karo culays iyo is hubaynta beelaha Soomaaliyeed oo marka dambe adkaan doonto – hub ka dhigis in lagu sameeyo.
Kuwa badan ayaa dhankooda waxa ay aaminsan yihiin in baraarugaas uu yahay kan keliya lagu xasilin karo caasimadda ka dibna lala imaan karo qorshe lagaga faa’idaysan karo kooxahaas haddii ay ka aas aasmaan magaalada Muqdisho.
Arintan waxaa barbarsocota hadal caro badan ka dhashay oo oo ka soo yeeray Senotor Cabdi Ismael Samatar oo sheegayay in dalka dib ugu laaban karo burbur la mid ah kii 1999-kii markaas oo ula jeeday kooxaha Macwiislayda ah ee u abaabulan qaabka qabiil ee howlgalaya deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah.
Si – kasta dad badan ayaa calaamad su’aal dulsaaraya suurtagalnimada in waxa ka dhalan kara mustaqbalka haddii magaalada Muqdisho ay ka aas-aasmaan kooxaha Macwiislayda oo la mid ah kuwa hadda ka howlgala gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale ee la derisla ah.
W.Q Hanad Ali Guled.
Leave a Reply