WARBIXN : Halka ay marayaan Ololaha doorasha ee Puntland & salka khilaafka doorasho

WARBIXN : Halka ay marayaan Ololaha doorasha ee Puntland & salka khilaafka doorasho

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalooyinka maamulka Puntland waxaa ka socda Ololaha doorashada Golayayaasha deegaanka , oo waxa xigi doona doorashada Madaxwaynaha oo hoggaanka hadda talada hayo uu sheegayo in ay noqon doono doorasho qof iyo cod ah.

Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa haddii uu doorashadan ku guulaysto noqon doona madaxweynihii ugu horreeyay ee doorasho qof iyo cod ah ka taaba galiya deegaanada  goboleedka Punland.

Inkastoo doorashada ugu muhiimsan ay tahay midda madaxtooyada iyo tan barlamaanka, kuwaas oo hadda u muuqda kuwa ku dhici doona habkii beeluhu awoodda badan ku lahaayeen.

Hoggaamiyaasha xisbiyada ayaa Ololaha doorasho waxa ay ka wadaan magaalooyinka iyo deegaanada maamulkaas , kuwaa oo  dadka ka codsanaya in codkooda ay siiyaan si loo helo hoggaan suuban

Waxyaabaha ugu badan ee hareeyay doorashadan ayaa ah Madaxwayne Saciid Deni oo doonaya in xibsiyada la baariyo oo halka hadda ay ka yihiin seddax Xisbi oo Dastuurka maamulkaas uu qorayo lagu daro laba xisbi sidaasna wax loogu bedelo Dastuurka.

Arinta wax ka bedelka Dastuurka ayaa loo arkaa mid  salka horseeday khilaafka doorasho ee jira Puntland iyo  suurtagalnimada in lagu shubto , taas oo laga digayo cawaaqib xumada – ka dhalan karta.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa horey ugu fashilmay inuu doorashadan qabto, iyadoo maalintii loo madlanaa in la qabto doorashada dowladaha hoose ay hareeyeen mucaarado xooggan.

Lama oga in madaxweyne Deni oo hadda leh mucaarad xooggan oo ay horkacayaan saaxiibadiisii hore uu la kulmi karo cabaqad lamid ah kuwii fashiliyay maamulkii Faroole.

Leave a Reply

Your email address will not be published.