WARCUSUB : Rabashadaha ka jira Ceergaabo & sida xaaladdu ay tahay

WARCUSUB : Rabashadaha ka jira Ceergaabo & sida xaaladdu ay tahay

Ceergaabo (Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa rabashado dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Ceergaabo ee gobolka Sool , halkaas oo ay isku dhaceen ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Rabshadaha ayaa billowday, kadib markii koox aan la garan haybtooda ay rasaas ku furtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo marayay magaalada.

Xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii laba koox oo dhalnyara ah ay isku qabsteen calan aan eheyn midka Somaliland oo laga taagay magaalada, taasoo ka careysiisay dhalinyaradii xuseysay 18-ka May oo ah maalinta Somaliland ay kudhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinaya in dibad-baxayaashu ay Calanka Khaatumo ka taageen waddooyin kamid ah magaalada Ceerigaabo.

Inkastoo khasaare dhimasho iyo dhaawac lasoo wariyay, hadana lama xaqiijin karo xadiga uu la egyahay khasaaraha, mana jirto wax war ah oo ciidanka booliska ay arrintan kasoo saareen.

Si kastaba, horay rabshado kuwaan lamid ah waxay uga dhaceen Boorama oo todobaadkii hore laga taagay Calanka Soomaaliya, waxaana kasii horreysay Laascaanood oo arrinteeda isku beddashay dagaal toos ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.