WARCUSUB | Dad rayid oo lagu laayay Sh. Hoose & dhaawacyo la keenay Muqdisho.

WARCUSUB | Dad rayid oo lagu laayay Sh. Hoose & dhaawacyo la keenay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar hoobiyaal ah oo  dad badan oo rayid ah lagu dilay kaas oo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.

Hoobiyaashan ayaa ku dhacay deegaan hoos yimaada deegaanka Bariiri halkaas oo ay ku  dhinteen dadka  ugu badan  halka tiro kale ay ku dhawacmeen.

In ka badan 15- qof oo  u badan dumar iyo caruur ayaa ku dhintay sida ay ku warameen dad halkaas ku sugan.

Dhaawacyada caruur iyo dumar oo dhacdadaas ay ku waxyeeloobeen ayaa la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo laa laabtay Bariire, waxaana horay sidaan oo kale loogu laayay dad shacab ah, kadib duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.