WARCUSUB : Xamse oo isugu yeeray Golaha Wasiirada safiiro la dhimayo & isku shaandhayn jirta.

WARCUSUB : Xamse oo isugu yeeray Golaha Wasiirada safiiro la dhimayo & isku shaandhayn jirta.

Muqsisho (Raxanreeb ) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la isugu yeeray maalinta Beri oo Khamiis ah kulan deg deg ah oo xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in  isbedel  lagu samayn doono Golaha wasiirada & safaaradaha diba

Qoraal loo diray Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaas uu yahay mid looga hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo geedi socodka xukuumadda Xamse Cabdi Bare.

Warar horudhaca ah ayaa sheegaya suurtagalnimada in golaha wasiiraddu, ay  go’aamin doonaan qorshe loogu yeeray Dib u habeynta Safaaradaha Soomaaliya ee ay dunida ku leedahay, waxaana albaabada loo laabi doonaa 7 Safaarado ama Qunsulo.

Maalinta Beri ayaa sidoo kale waxaa jira fadhiga golaha baarlamaanka 11aad kaas oo uu dalbaday Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba waxaa muuqanaya in dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo aad u adag , sida laga tusaale qaadanayo shirarka iyo kulamada ay dalbanayaan Xasan Sheekh & Xamse Cabdi Barre.

Leave a Reply

Your email address will not be published.