Xeer ilaalinta oo soo badhigtay  18 mas’uul oo baxsad ah, loona haysto Musuq

Xeer ilaalinta oo soo badhigtay  18 mas’uul oo baxsad ah, loona haysto Musuq

Muqdisho (Raxanreeb ) Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa soo bandhigay Liiska 18 nin oo masuuliyiin ah oo baxsad ka ah cadaaladda.

Xubnaha la magacaabay ee 18 ka kamid ka ah waxa ku jira labadii nin ee isaga kala dambeysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), waxa kaloo ku jira  Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey).

Suleymaan Maxamed ayaa shaaciyay liiska 18 mas’uul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo uu tilmaamay inay baxsad ka yihiin cadaaladda.

Xeer ilaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku heyso shaqsiyaadkaasi, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno mas’uuliyiintaasi.

Hoos ka daawo shirkajaraa’id ee xeer ilaaliyaha

Leave a Reply

Your email address will not be published.