Wasaaradda Arrimaha Dibadda : MW Xasan oo ficil fool xun kala kulmay Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda : MW Xasan oo ficil fool xun kala kulmay Itoobiya.

Adis Ababa (Raxanreeb ) –Wasaaradda arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadda qirtay bahdilaadii ay Itoobiya maanta kusamaysay Madaxweynaha JFS.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay oo aan xilligan wasiir lahayn , in wafdi madaxwaynaha Soomaaliya xadgudub  ay ku sameysay Itoobiya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa bilowgii todobaadkan markii uu tagay Addis Ababa, la sheegay in la bahdilay, hayeeshee uu qarsaday.

Wasaaradda arrimaha dibadda war ay soo saartay ayay ku sheegtay in loo baahan yahay in xarunta midowga Afrika laga raro magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya “xushmad darro” inay kula dhaqaaqday shir madaxeedka midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa.

Wuxu mar kale ku celiyey madaxweynaha Soomaaliya, isagoo la hadlayey suxufiyiinta, inuu ka xun yahay in Itoobiya “ay isku daydo inay qiil u samayso” heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland.

Siyaasiin badan ayaa ka digayay natiijada ka dhalan karta safarka madaxwaynaha Soomaaliya ee  u ku tagay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya hase ahaatee dhag jalaq ma uusan u siin.

Dowladaha Soomaaliya  iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya , khilaaf xoogan oo ilaa iyo hadda aan wax xal ah laga gaarin .

Leave a Reply

Your email address will not be published.