Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay guddiga difaaca iyo amniga aqalka sare

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare, gaar ahaan korjoogtaynta iyo horumarinta howlaha amniga iyo difaaca qaranka.

 Sidoo kale kulan ayaa laisla meel dhigay dardargelinta howlgalada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay kooxaha Al-shabaab iyo Daacish eek a dagaalama Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.