Wasiir ka tirsan Puntland   oo ilkaha hore laga jabiyay.

Wasiir ka tirsan Puntland   oo ilkaha hore laga jabiyay.

Xarfo (Raxanreeb ) Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Xarfo ee gobolka Mudug weerar  dhagaxaan ah ayaa lagu qaaday wasiir ku xigeena arrimaha gudaha Puntland oo  halkaas howlo shaqo ah u joogay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Musaadaq Sooma-jeeste  ayaa u joogay degmada Xarfo ee Mudug dhismaha Golaha deegaanka.

Maxamed ayaa lagu weeraray dhagxuun xalay, xilli uu fadhiyay banaanka hotelka uu daganaa, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray afka, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

“Wasiirka dhagxan waawayn ayaa lagu weeraray, afka ayay uga dhaceen, waxaa ka dhacay ilkaha sare iyo kuwa hoose”, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay qof ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen.

Dhowr qof ayaa loo xiray weerarka wasiirka kuwaasoo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen falkii lagu weeraray wasiirka.

Hay’adaha ammaanka maamulka Puntland wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weerarkan lagu qaaday wasiir ka tirsan maamulka kaas oo howlo shaqo u joogay  gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.