Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya kula kulmay Safiirka Shiinaha Wang Yu oo ay ka wada hadleen xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Intii uu kulanka socday ayaa Danjire Wang Yu waxa uu ugu hambalyeeyay Wasiirka dadaalka uu ugu jiro ilaalinta madax banaanida Soomaaliya, waxa uuna muujiyay sida ay dowladda Shiinaha u garab taagan tahay midnimada iyo madax banaanida dalka. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay sanad guuradii 10-aad ee ka soo wareegatay markii safaarada Shiinaha ay ka furatay Soomaaliya, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta calanka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Fiqi ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray shirkii Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo si weyn u xoojiyay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. Labada mas’uul ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 4-tii ilaa 6-dii Sebtembar kaga qeyb galay shir madaxeedka FOCAC ee ka dhacay magaalada Beijing, kaasoo lagu xusayay dhacdadii ugu horreysay ee diblumaasiyadeed ee Shiinaha tan iyo markii uu cudurka faafay ee COVID-19. Shir madaxeedkan ayaa waxaa isugu yimid hogaamiyayaasha Afrika si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka iyo horumarinta casriyeynta guud ahaan qaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.