Wasiirka Caafimaadka DFS oo Hindiya kaga qeyb galaya shirka ‘Caafimaad mid ah’

Wasiirka Caafimaadka DFS oo Hindiya kaga qeyb galaya shirka ‘Caafimaad mid ah’

Delhi (Raxanreeb) — Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada New Delhi ee caasimadda Dalka Hindiya si uu uga qaybgalo Shirka ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Dalkaas.

Wasiir Cali Xaaji ayaa kamid ah Madaxda lagu casuumay ka qaybgalka shirka isla markaana ku qoran in uu ka hadlo Ajendaha Shirkaas oo ah ‘Caafimaad mid ah’ si looga gudbo dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka ah ee jira.

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya Axmed Cali Daahir, Qunsulka ahna ku xigeenka Safiirka Cabdifitaax Cabdullaahi Nuur iyo Howlwadeenno katirsan Safaaradda ayaa soo dhaweeyay wafdiga Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Hindiya ayaa dhinacyo kala duwan ku martigelisay Shirweynaha ay uga magacdartay ‘Caafimaad mid ah’ waxaana ka qaybgalayaashu ay ka hadli doonnaan sida ay la tahay in lagu mideyn karo Caafimaadka.

Bukaanno badan oo Soomaali ah oo qaba xannuuno kala duwan oo intooda badan aanay dalka wax looga qaban Karin ayaa Dalka Hindiya u aada adeegyo caafimaad, qaarkood ayaa muddo ku sugan Dalkaas.