Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muwaadiniinteedii ugu horreysay kasoo daabushay Sudaan xilli colaadda ka jirta dalkaasi cerka isku sii shareereysa.
Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Khartuum kasoo qaaday dhanka Koonfurta Suudaan muwaadiniin Soomaali ah, kaddib markii ay halkaas u tageen in ay naftooda la baxsadaan.
Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdiraxmaan Diinaari oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 18-ruux dalka dib loogu soo celiyay.
Diinaari waxa uu sheegay in muwaadiniintaan ay kasoo baxeen Magaalada Khartuum iyaga oo gaaray Xuduudda Koofurta Suudaan, Diyaarad Militari oo ay leedahay Dowladda Kenya oo muwaadiniintooda kasoo qaadi rabay Dalkaas horay usoo qaadeen.
Waxa uu mahadceliyay Dowladda Kenya sida ay uga caawisay soo qaadista Muwaadiniintaan ugu dambeyn maanta lasoo gaartay Magaalada Muqdisho kaddib markii naftooda ay kala soo baxsadeen Colaadda u dhaxeeya Ciidamada ku dagaalamaya Khartuum.
“Waxa aan joognaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta aan kusoo dhaweynay 18 Muwaadin oo laga soo qaaday Magaalada Bunuuj ee Koofurta Suudaan waxaana ay markii horay kasoo baxeen Khartuum, waxaana soo qaadday Diyaarad Militari oo muwaadiniintooda kasoo qaadeysay, waxaana u mahadcelinayaa Dowladda Kenya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale” ayuu yiri Cabdiraxmaan Diinaari.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto xaaladda ka taagan Magaalada Khartuum caasimadda Suudaan oo tan iyo 15kii April 2023 ay ka socdaan isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamada Gen. Alburhaan & Daqlo.