Waxaa la gaaray waqtigii Xasanow Villa Somalia ka soo bax.

Waxaa la gaaray waqtigii Xasanow Villa Somalia ka soo bax.

Hilisink (Raxanreeb )- Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay qaaday wadadii fashilka

marka laga tusaale qaato talaabooyinka qar iska tuurnimada ah ee ay qaaday intii ay jirtay . Dhacdooyinka qaar ma aha kuwa ka go’ya Qalbiyada bulshada soomaaliyeed.

Hoggaan keligii taliye ah.

Hoggaan abuuray musuqmaasuq sharciyaysan.

Hogaan bur buriyey Xadigii Dastuurka ku meel gaarka.

Dhaqanka cusub ee Madaxweyne xasan shiikh abuuray waa Ka ganacsiga hubka sharci- darrada , & daroogada Qaadka iyo xashiisada oo waqtigan ah khataraha dalka uu cagaha kula jiro taasna waxay dalka u keentay in lagu tilmaamo inuu u laabtay 1991-kii.oo ahaa waqtigii il is boobi jirey.

Hadda waxaa muuqanaya in Xasan Sheekh oo kabaha dowladda ay u gashatay kala qaybinta Qurbajoogta Soomaaliyeed oo 35-tii sanno ee la soo dhaafay laf- dhabar u ahayd dowlad dhiska , dib u dhiska , kobaca dhaqaallaha , maalgashiga & shaqo abuurka , waxaase intaas dheer in ay badbaadin u ahaayeen nolosha dadka Soomaaliyeed iyaga oo dalka u soo dira balaayiin Doolar bil kasta.

Shir lagu sheegay in Qurbojoog ay ka qayb galaysa ayaa lagu qabtay Dooxa Qatar , laakiin waxaa fadeexad ah in halkaas aanay joogin Qurbjoog balse ay joogaan dad ka shaqeeya xafiisyada dowladda taas oo bedeshay muuqaalkii laga filyay Dooxa waa bar madow oo kale oo ku taala Xasan Sheekh.

In mashruuc kale laga raadinayo Qurbojoogta ayaa Xasan Sheekh uu damacsan yahay markaan oo uu kala qaybinayo Qurbajoogtii muhiimka u ah nolosha dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku nool.

Waxaana hore loo ogaa , boobka dhulalka dadka shacabka & kuwa danta guud , mushruuca xabuul qodista , iibsiga hubka & daroogada.! Dadka Qurbaha jooga waa dhaxalka bulshada soomaaliyeed

Waxaan Falanqentayda farta ku fiiqaysaa waxaa la gaaray waqtigii Madaxweyne xasan sheekh la oran lahaa Xasanow Villa Somalia kasoo bax waad fashilantee.

Danjire Mahamed Caalim

Leave a Reply

Your email address will not be published.