Weerarkii xabsiga dhexe oo la soo afjaray & shan ka mid ah AS oo la dilay.

Weerarkii xabsiga dhexe oo la soo afjaray & shan ka mid ah AS oo la dilay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay soo afmeereen howlgalka maxabiis ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar

Sida ciidanka ay ku warameen waxa , la toogtay 5 nin oo isku dayey inay dagaalamaan.

Taliska Asluubta ayaa soo bandhigay meydadka ragga  isku dayey inay qal-qal geliyaan amniga Xabsiga, waxaana la sheegay in markii horaba ay ragaasi ahaayeen AS.

Ciidanka asluubta ayaana soo bandhigay meydadka shan nin oo la sheegay in ay kamid ahaayeen kooxdii weerarka geesatay, waxaa sidoo kale jira kuwa la qabtay iyo kuwa la dhaawacay.

Gudaha xabsiga dhaxe ee Xamar waxaa hadda ka socda baaritaanno ay wadaan ciidamada miino baarista iyo kuwa kale ee ammaanka, kuwaa oo xabsiga ka dhax raadinaya qaraxyo iyo hub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.