Xamaas oo meel adag ka istaagtay xabad joojin ka dhaqangasha GAZA.

Xamaas oo meel adag ka istaagtay xabad joojin ka dhaqangasha GAZA.

Gaza (Raxanreeb )  In mudda ahba waxaa socotay waan – waan lagu doonayay in xabad  joojin ay ka dhaqan gasho marinka GAZA halkaas oo   ay ka sii socdaan dueymaha Israa’il ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah.

Waan-waantan waxa ay ka socotay magaalada Paris ee dalka Faransiiska , halkaas oo dalalka reer Galbeedka ay ka wadeen talaabooyin lagu joojinayo colaada mudada dheer ka sii socota Marinka GAZA.

Waxaa ku jira qorshaha socdo  in Israa’iil iyo Xamaas ay isdhaafsadaan maxaabiista inta ay socoto mudada xabad joojinta ah si loo helo jawi suurtagalin kara in maxaabiista la is waydaarsado.

Hoggaanka sare ee kooxda Xamaas ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay diideen qorshaha xabbad-joojinta KMG iyo maxaabiis is dhaafsiga, waxa ayna xubnahan sheegeen in ay sii wadi doonaan iska caabinta ciidamada Israa’iil.

Dagaallo culus iyo duqeymo ayaa wali ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana dagaalka socda khasaaro xooggan kusoo gaaray ciidamada Israa’iil, iyadoona shalay dagaal dhacay askar looga dilay kuwa kalana looga dhaawacay.

Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil ayaa socda muddo shan bil ah, waxaana dagaalkan lagu dilay in ka badan 24-kun qof oo shacab Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1300-qof oo Israa’iiliyiin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.