Xamse maka badbaadi doona  mooshinka laga karkarinayo Nairobi ?

Xamse maka badbaadi doona  mooshinka laga karkarinayo Nairobi ?

Muqdisho (Raxanreeb )-Magaalada  Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka – karaya mooshin ujeedkiisu uu yahay in la tuuro Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Bare , kaas oo si aad ah guuxiisa u kordhay saacadihii la soo dhaafay.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka aadna u dhaliilsan xukuumada Xamse ayaa horboodaya mooshinka oo la sheegayo inuu marayo meel – gaba gaba ah keliya la sugayo furitaanka kalafadhiga 6aad ee Golaha shacabka.

Saadaashu waxay leedahay ‘’ uma badna in kolkan Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare uu ka badbaado mooshinkan iyadoo  laga tusaalle qaadanyo shaqsiyaadka  udub dhaxaadka ah u ah & halka la marayo oo ah isgoy  lagu kala gudbo waqtiga kala guurka.

Mooshinkan qoraalkiisa uu ka socdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka horeeyay kulamo kale oo ka dhacay Istanbul oo uu goobjoog ahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe kaas oo looga hadlay sidii loo ridi lahaa xukuumada Xamse  oo heshay nasiib ay ku dhamaysto seddax sanno

Mar kasta oo la galo diyaargarowga Ololaha doorasho ee sanadka seddaxaad muddo xileedka dowladda waxaa yaraada awoodda iyadoo la galo abaabul kala jiidasho iyo in safka ay ka baxaan siyaasiin markii hore isku dhinac ahaa

W.Q Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.