Muqdisho (Raxanreeb) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ku geeriyooday , AUN Abwaan Jaamac Kadiye, kaas oo ku dhintay madaafiic ay Somaliland ku garaacday magaalada.
Soomaalida dhaxdeeda ayaa geerida abwaankan Soomaaliyeed si wayn ay u gilgishay waxaana ka tacsiyadeeyay , madax ,masuuliyiin iyo siyaasiin badan .
Abwaanka ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.
‘’Mudane Madaxweyne, kollay waad haysaa xogta dilka loo geystay Abwaan ka weyn ee Soomaaliyeed oo ka dhacay Laascaanood. In aad tacsi u quuri weydo Abwaan Jaamac Kediye oo ku hoos dhintay calanka Soomaaliya, ayna dileen kuwa diiddan calanka oo doonaya in ay dalka kala gooyaan, runtii waa wax aan qaban dadka reer Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee aad Madaxweynaha u tahay’’ sidaas waxa yiri xildhibaan Ayub Ismail Yusuf
Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood oo ku geeriyooday, abwaanka waxa uu ku jiray da’aadda 70-meeyada, abwaanka ayaa ka gabyi jiray idaacdihii Soomaaliyeed ee radio Muqisho iyo radio Hargeysa 1972-dii xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.
Leave a Reply