Xasan Sheekh oo u magacaabay xil cusub Xuseen Sheekh

Xasan Sheekh oo u magacaabay xil cusub Xuseen Sheekh

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweyne Xasan Sheekh, oo maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay xil cusub Xuseen Sheekh Maxamuud, agaasimihii hore ee Villa Somalia.

Xasan Sheekh, ayaa nin u magacaabay Lataliyahiisa gaarka ah, ee dhameystirka howlaha Dastuurka qaranka, taas oo hurutabin  u ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xuseen, ayaa horey mid noqday golaha Aqalka Sare, uga ahaa Horumarinta Dowladnimada iyo nabadda.

Sidoo kale wuxuu hore usoo noqday xoghayaha guud ee Guddiga Dhameeystirka Dastuurka, ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadafka laga leeyahay magacaabistan ayaa lagu sheegay wax ka baddelka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo haatan la isku mari la’yahay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada dalka.

Xuseen Sheekh, ayaa hore iskaga casilay xilka Agaasimaha Guud ee Madactooyada Qaranka, halka damaciisa uu ahaa in uu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya kaas oo dhowaan loo tartami doono.