Ruto oo aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya

Ruto oo aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya

Nairobi (Raxanreeb) — Madaxweynaha dalka Kenya, ee Willium Ruto, ayaa aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, safiirka cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhowaan u magacaabay safiirkan cusub ee dalka Kenya ka horna waxaa xilkaasi iska casilay Maxamuud Axmed Nuur loo garan ogyahay (Tarsan).

Magacaabistan, cusub ayaa lagu sheegay in ay tahay mid waddo cusub u jeexi doonta xiriirka iyo iskaashiga labada dal Kenya iyo Soomaaliya, oo sannadihii lasoo dhaafay aad u xumaaday dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Soomaaliya, iyo Kenya, ayaa hadda noqonaya labo dowlad oo isku soo dhowaanaya xiriirada ay leeyihiin halka toos uu u socda khaadka Kenya ka imaada iyadoona aysan jirin wax ay ku baddelato Soomaaliya oo ay dalka Kenya geeyso.

Danjiraha cusub ayaa horey ka mid ahaa musharraxiinta usoo tartamay madaxweynaha dalka Soomaaliya, iyadoona uusan ku guuleysan damaciisa ku aaddana madaxweyne.