Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka  oo u hanjabay Mahad Salaad + SABABTA.

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka  oo u hanjabay Mahad Salaad + SABABTA.

Muqdisho (Raxanreeb )  Buuq badan ayaa ka dhashay weerar qaawan oo ciidanka NISA maanta oo Isniin ah ay ku qaadeen xarumaha kala duwan ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Masuuliyiin ka tirsan shirkada ayaa u xiran  Hay’adda NISA oo ciidankeeda tagay maanta xarunta way nee shirkadaas ay ku leedahay suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo warfidiyeenka kula hadlay xrunta Golaha shacabka ayaa si kulul uga hadlay weerarkaas NISA ay ku qaadeen shirkada isgaarsiinta Hormuud oo albaabada loo laabay.

“Hadaan Xildhibaano nahay raali kama nihin beegsiga Shirkaddaha iyo sharciyada dhiigooda lagu beeneysanayo shaqaalaha Hormuud ee xiran waa in la soo daayaa”   ayuu yiri  xildhibaan khaalid .

“Shirkadaha Lafdhabarka u ah nolosha dadka  beegsigooda Marnaba ma Aqbalayno” sidaas waxa sheegay Xildhibaan Gaaraxo.

Si la mid  ah  waxa  hadal kulul  u jeeday Taliyaaha  Hay’adda NISA Mahad Salaad Xildhibaan Xildh. Cabdiraxmaan Sheekh oo yiri.

“Dowladda waa in ay ka Jawaabtaa Artinta loo geystay Shirkadda Hormuud waaana si Degdeg ah loo sii daayaa Shaqaalaha u xiran NISA.

Maamulka shirkadda Hormuud ayaa hay’adda NISA ku eedeysay ku tagri-fal awoodeed iyo weerar ka dhan ah, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.