XOG KOOBAN : Xamse oo diidan xilka ka qaadista Taliye Sulub.

XOG KOOBAN : Xamse oo diidan xilka ka qaadista Taliye Sulub.

Muqdisho (Raxanreeb )- Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in isbedel lagu samaynayo qaar ka mid ah Saraakiisha  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Meelaha sida aadka  ah loo hadal hayo xogahana ay sheegayaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Generaal Sulub oo qorshuhuna ahaa in lagu bedelo  Asad Diyaano.

Raxanreeb Online ayaa ogaatay in Ra’iisal wasare Xamse uu diiday in Sareeya Guuto Asad Cismaan uu u magacaabo Taliyaha Booliska oo uu Xilka ka qaado Taliye Sulub Axmed Firi .

Todobaadkii hore ayaa lagu waday in la magacaabo Saddexda Taliye ee Booliska, Milatariga, Asluubta iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir hase ahaatee dib u dhac ayaa ku yimid.

Kulanka maanta oo Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu waday in isbedelka lagu sameeyo saraakiisha ciidan hase ahaatee markale ayaa  uu ku yimid dib u dhac taas oo loo sababayno dhanka Ra’iisulwasaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.