Muqdisho (Raxanreeb )- Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in isbedel lagu samaynayo qaar ka mid ah Saraakiisha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Meelaha sida aadka ah loo hadal hayo xogahana ay sheegayaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Generaal Sulub oo qorshuhuna ahaa in lagu bedelo Asad Diyaano.
Raxanreeb Online ayaa ogaatay in Ra’iisal wasare Xamse uu diiday in Sareeya Guuto Asad Cismaan uu u magacaabo Taliyaha Booliska oo uu Xilka ka qaado Taliye Sulub Axmed Firi .
Todobaadkii hore ayaa lagu waday in la magacaabo Saddexda Taliye ee Booliska, Milatariga, Asluubta iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir hase ahaatee dib u dhac ayaa ku yimid.
Kulanka maanta oo Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu waday in isbedelka lagu sameeyo saraakiisha ciidan hase ahaatee markale ayaa uu ku yimid dib u dhac taas oo loo sababayno dhanka Ra’iisulwasaaraha.
Leave a Reply