XOG : Shirar ka dhan ah MD Xasan Sheekh oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Raxanreeb ) Shirar hordhac ah oo saacadihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa sababay in labo beelood oo ka tirsan qabaa’ilka #Hawiye ay ku dhaawaaqaan qabashada kulamo kala gooni ah oo ay aayahooda uga arrinsanayaan, sida ay sheegeen siyaasiyiin u hadashay labada beelood.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo u hadlay mid ka mid ah labadaasi beelood ayaa sheegay inay doonayaan “dal la wada leeyahay”.

“Dal qolo gooni ah isku koobtay waa waxa aan horay u soo aragnay, waana socon waayeen, waana tan Soomaaliya meesha ey maanta taal dhigtay,” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale, beesha Galmaax ayaa iyaduna sheegtay in kulan ay aayahooda uga tashanayaan ay ku qabsan doonaan Muqdisho maalinta Khamiista.

Kulamadan kala goonida ayaa yimid iyadoo beelaha qaar ay beryahan soo saarayeen warar ku saabsab cabasho ay ka qabaan dhanka awood qeybsiga beelaha oo la xiriirta xilalka maamulka Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.