Adis Ababa (Raxanreeb )- Magaalada Adisababa waxaa ku sugan xubno ka tirsan mucaaradka maamulka Jubbaland oo ay hoggaaminayaan Cabdi Cali Raage iyo Cabdirashiid Janan
Joogitaankooda Adis Ababa ayaa lagu sheegay inay goobayaan xariir siyaadeed ka helaan Dowladda Itoobiya sida ay sheegayaan xogaha la helayo.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Jubbaland ayaa goobaya goobo saldhig siyaasadeed u noqda si ay u diidaan in markale doorashada la filayo uu ku soo baxo Axmed Madoobe.
Ilo kale duwan waxay inoo shegeen in xariirka Axmed Madoobe iyo Itoobiyo uu hadda fiicanayahy dib isu doorashadiisana aysan carqalad ku ahayn markii lo fiiriyo dagaalka siyaasaded isku hayaan Dowladda Faderaalka ah.
Bilowga bishaa Juun n ayaa la furi-doonaa Barlamaanka Jubbaland waxaan khudbad ka jeedin doona Madaxweynaha Jubabland Axmed Madoobe
Qorshaha kulamada Barlamaanka ayaa ah sidii laga yeeli lahaa Guddomiye Ku-xigeenka 1 aad Golaha Wakiilada mamulka oo mucaarad isku badalay, furista Dastuurka qodobkiis 95 ee mar sadexaad inuu Axmed tartamo lagu qorayo.
Leave a Reply