Yaa  loo badaniyaa in loo magacaabo Agaasimaha NISA ka dib Mahad Salaad ?.

Yaa  loo badaniyaa in loo magacaabo Agaasimaha NISA ka dib Mahad Salaad ?.

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa si aad ah u xoogaysanaya wararka sheegaya in  meesha laga saari doono Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad oo in mudd ahba la sheegayay in xilka laga qaadi doono.

Warar kala duwan ayaa soo baxaya saacadihii la soo dhaafay kaas oo si aad ah u xoogaysanaya isla markaana sheegaya in  xil ka qaadis lagu samayn doono Agaasimaha NISA Mahad Salaad.

Sida la isla dhaxmarayo waxaa laga yabaa in markii seddaxaad Agaasimaha NISA loo magacaabi doono Sambaloolshe in kastoo si rasmi ah loo haynin cida bedeli doonta.

Baraha bulshada waxaa yaala maanta oo  Arbaca ah warka ku saabsan in Mahad Salaad uu ku bixi doono  shirka Golaha wasiirada oo aad isha loogu hayo bero waxa ka soo bixi doona.

Hubinti la’aanta dhanka amniga ee caasimada iyo weeraro dhawr ah oo dhacay  ayaa sabab looga dhigayaa in ay tahay tan ugu way nee xilka loogu qaadi doono Mahad Salaad.

Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa inay isbedel ku samayso saraakiisha amniga , taas oo la dhawrayo saacadaha ama maalmaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.