12 SANNO ka dib waxaa dib loo furayaa xuduuda Soomaaliya & Kenya

12 SANNO ka dib waxaa dib loo furayaa xuduuda Soomaaliya & Kenya

Mandheera (Raxanreeb ) Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddo dheer ka dib loo furayaa , taas oo caqabad ay ku qabeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool degmooyina Beledxaawo iyo Mandheera.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dib ay u furayso Xuduuda si ay u sahlanaato isku gudubka dadka iyo ganacsiga ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Goobaha la furayo 12 sanno ka dib ayay Dowladda Kenya waxa ay ku sheegtay in ay  tahay halka loo yaqaano seddax goobood oo muhiim u ah shacabka ku nool labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xuduuda labada dal deegaanada ku yaala ayaa Dowladda Kenya waxa ay xirtay sanadkii sannadkii 2011 markaas oo kooxda Al- Shabaab duulaano joogta ah ay ka fulinaysay gudaha dalka Kenya.

Masuuliyiin ka kala socda dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa todobaadkii hore waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Mandheere markaas oo ay ka wada- hadleen dib u furida xuduuda oo ku xiran nolosha labada dal.

Dowladda Kenya ayaa ku warantay in kulamo looga hadlay xalka xuduuda iyo isu socodka uu dhaxmari doon iyaga iyo xubno sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa, oo ay Al-Shabaab ka geysteen Gudaha Kenyaya ayaa lagu dilay ku dhawaad 150 qof, kaas oo ka dhacay jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.