Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan maxaa laga qaaatay ?

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan maxaa laga qaaatay ?

Khartoum ( Raxanreeb ) Bililiqo xoog leh ayaa lagu soo waramayaa  in loo gaystay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Suudaan halkaas oo ay dagaalo ka dhacayaan.

War ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la dhacay  Safaaradda Somalia iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee  Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed.

Taliska ayaa ku eedeeyay in dhibaatadaas ay gaysteen ciidamo ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gudaha u galeen dhismaha safaaradda.

Qoraalka ka soo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in  , safaaradda Soomaalida ee dalkaas laga qaaday Dukumiintiyo iyo qalabka kale oo muhiim u ahaa shaqada Safaaradda Soomaalida ee dalkaas.

Warka  ayaa  lagu muujiyey in ciidanka RSF weerar u geysteen Kaniisad ku taalla magaalladda Umu Durmaan ee dalkaas oo ay ka socdaan qalalase .

Sidoo kale bayaankan ayaa lagu sheegay in xittaa sidoo kale bililqo loo gaystay xarun weyn oo ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Waxaa Isbuucii 4-aad galay dagaalka u dhexeeya Ciidanka kala taabacsan madaxa guddiga milliteriga ee haya Talada dalka Sudan, iyo kuwa gurmadka degdega ee RSF oo u daacad ah Jeneralka fallaagoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.